Kala soco wararka soomaaliya iyo Aqbaaraadka Caalamka

Waa maxay sababta baarlamaanka jubbaland ay muddo kordin ugu sameeyeen dhisidda wasiirada cusub ?

Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cod aqlabiyad ah ugu codeeyay codsi ka yimid Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland kaas oo ah in muddo kordhin labo bilood ah loo siiyo madaxwaynaha si uu soo dhiso golahiisa wasiirada cusub ee Jubbaland.

Dhammaan xildhibaanadii soo xaadirtay kulanka ayaa u codeeyay in muddo kordhin la sameeyo mana jirin cid ka aamustay sidaas darteed waxaa halkaas lagu ansixiyay muddo kordhintii uu soo codsaday Madaxweynaha Jubbaland.

Kulanka xildhibaanada kadib waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiyaha hab dhawrka baarlamaanka Jubbaland mudane Shugri Wayrax Kaariye oo faahfaahiyay go’aankan baarlamaanka ka soo baxay.

No comments yet.

Leave a Reply