Waxaa Guddi baritaan ku sameeyo loo magacaabay dilkii arbacadii loo gaystay Sarakiil ka tirsan Ciidanka xooga dalka Soomaaliya waxaana guddigaan magacabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).
Saraakisha la dilay ayaa waxaa tacshiirad ku furay gaari ay wateen dablay hubaysan kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday waxaana uu falkaan ka dhacay inta u dhaxayso Guriceel iyo Balanbale.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in guddigaan uu magacaabay Madaxwayne Qoor Qoor uu soo xaqiijin doono sida ay wax u dhaceen iyo cida gaysatay falkaan foosha xun.
Guddigaan la magacabay ayaa waxaa hogaaminaayo Wasiirka Amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Jaamac iyadoona ay qeyb ka yihiin Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabadsugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Galmudug, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.
Dhamman guddigaan ayaa waxa looga fadhiya inay war rasmi ah kasoo saraan dilka loo gaystay Sarakiisha xooga dalka islamarkaana Maxkamad la horkeeno raggii gaystay dil wadareedka.