Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay Ciidankeeda kala soo baxdo Gobolka Gedo si Jubbaland ay u qabato doorasho xor iyo xalaal ah.
Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay Maanta Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo uu uga qeyb-galay Aalada Zooomka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Madaxda Dowladda tixgeliyaan nidaamka, isla markaana Ciidamada ay geysay gobolka Gedo ay dib uga soo celiso.
Saciid Deni waxaa uu sheegay in aan la fulin heshiiskii doorashada ee Madaxda Dowladda iyo Dowlad goboleedyada, gaar ahaan kan ku saabsan in guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada waqooyi lagu soo xulo wadatashiga dhamaan saamileyda kasoo jeeda Soomaaliland, waxaana uu ku baaqay in Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka wada tashadaan dhammaan xubnaha saamileyda ee ka soo jeeda Somaliland.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in guddiyada doorashooyinka ay Dowladda soo magacaawday aysan buuxin shuruudihii heshiiskii doorashada, isla markaana ay walaac ka muujinayaan.
Tags: Madaxweynaha puntland, Saciid abdullahi deni