Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Iskashiga ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa mar kale ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay Dowlad Goboleedka Jubbaland ku wareejiso Maamulka Gobolada Gedo.
Madaxweynaha oo aad u dhaliilay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu ka qaato doorka uu leeyahay Arrimaha Doorashooyinka madaama uusan aheyn musharax.
“Marka Puntland Doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise Dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Waxaa xoogeystay khilaafka kala dhaxeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka, waxayna taasi sababtay in ay meesha ka baxdo wada shaqaynta labada dhinac.
Tags: Axmad madoobe, Madaxweynaha Jubbaland