Thursday, March 4th, 2021

AXMAD MADOOBE IYO DENI WAA MAXAY SHURURUUDAHA AY KU XIREEN KA QEYB GALKOODA SHIRKI DOWLAD GOABLEEDYADA IYO DOWLADA FEDARAALKA

Published on February 20, 2021 by   ·   No Comments

AXMAD MADOOBE IYO DENI WAA MAXAY SHURURUUDAHA AY KU XIREEN KA QEYB GALKOODA SHIRKI DOWLAD GOABLEEDYADA IYO DOWLADA FEDARAALKA


(Kismaayo)-Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa xogihii ugu dambeeyey sheegayaan inay shuruud horleh ku xireen shirka uu iclaamiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyneyaasha Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaan weli soo gaarin Caasimadda dalka Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka uu baaqay Farmaajo ee la filayay inuu qabsoomi intii u dhexeeysa 18-19-ka Febraayo.

Xog hoose ayaa sheegaysa in labada madaxweyne ay dalbadeen inay doonayaan in shirka uu ku baaqay Farmaajo lagu qabto Xerada Xalane iyo in aysan kalsooni ku qabin tegitaanka Caasimadda dalka, kadib rabrashadihii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la sheegay inay dalbadeen in shirka lagu saxiixayo qodobada heshiiskii looga gaaray shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo ay goobjoog ka noqdaan Wakiilada Beesha Caalamka.

Labada madaxweyne ayaa horey Madaxda dowladda ee waqtigoodu idlaaday ka dalbaday in Ciidanka dowladda Federaalka ee lagu daabulay Gobolka Gedo ee Jubbaland laga soo saaro, si halkaas ay uga dhacdo doorashada Baarlamaanka.

Tags: , , ,

Readers Comments (0)



WARARKA MAANTA

#DHACDO YAABLEH #HOOYO SOOMAALI AH & CARUURTEEDA OO NINKI QABAY UU KU SAMEEYAY ARRIN AY LA SUUXDAY (VIDEO)

February 21, 2021
#DHACDO YAABLEH #HOOYO SOOMAALI AH & CARUURTEEDA OO ...

AXMAD MADOOBE IYO DENI WAA MAXAY SHURURUUDAHA AY KU XIREEN KA QEYB GALKOODA SHIRKI DOWLAD GOABLEEDYADA IYO DOWLADA FEDARAALKA

February 20, 2021
AXMAD MADOOBE IYO DENI WAA MAXAY SHURURUUDAHA AY ...

Midowga Musharixiinta oo ku dhawaaqay in Farmaajo yahay dambiile Qaran ayna maxkamadaynayaan.

February 20, 2021
(Muqdisho)-Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay inay ...

DEG DEG: ABWAANAD ISMAHAN CARAWELO OO SHAACISAY NOOCA RAGGA AY JECESHAHAY IN AY NOLOSHA LA WADAAGTO

February 18, 2021
DEG DEG: ABWAANAD ISMAHAN CARAWELO OO SHAACISAY NOOCA ...

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarasha Jubbaland oo 52 Macalin oo OGADEN AH Shahaadooyin Siiyay

February 18, 2021
Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarasha Jubbaland oo 52 ...

DEG DEG: RASMI RAYS IYO QAALI LADAN OO BOOQDAY GABADHI SIDA XUN LOO DILAY VIDEO-GANA LAGA DUUBAY

February 18, 2021
DEG DEG: RASMI RAYS IYO QAALI LADAN OO ...

Ex US presidential candidate Bernie sanders sanders speaks

February 17, 2021
Ex US presidential candidate Bernie sanders sanders speaks