Waxaa saaka guud ahaanba magaalada Garoowe laga saaray ciidamo gaar ah oo uu watey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo in maalintii 2aad ku sugan Garoowe.
Cutubyo katirsan ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Soomaaliya oo Garoowe u yimid sugidda ammaanka guud ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa saaka laga daabulay magaalada Garoowe, iyagoona ku sii jeedey deegaamada Galmudug.
Ciidamada oo wata hubka garbaha laga qaato ayaa loo qaaday deegaamada Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasi oo Ra’iisul wasaare Rooble uu kula kulmi doono madaxda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dhoofi doona magaalada Garoowe inkastoo uusan jirin wax horumar ah oo laga sameeyey kulamadii uu la qaatay madaxda dowlad goboleedka Galmudug oo qaadacay qorshihiisa.
Tags: Ciidankii raysal wasaare rooble