Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda fedraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xusee Rooble & Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu wali kulamo uga socdaa Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal
Kulankaan oo maalintii labaad galay ayaa waxaa jira isfaham-waa la xiriira Magacaabista Puntland ee guddiga doorashooyinka, iyada oo ra’iisal wasaare Rooble uu dalbaday in Puntland soo magacawdo Guddiga oo Muqdisho loo soo diro kadibna la wada hadlo si wixii qaldana loo saxo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta Gobolka Gedo iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada ee muranka ka taagan yahay.
Maxamed Xusee Rooble Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in marka hore la fuliyo shirkii Muqdisho wixii lagu heshiiyay, arrinta Gobolka Gedo shir gaar ah looga hadlo, si dhowaan loo qabto shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada
Tags: Madaxweyne deni, Puntland, Raysal wasaare Rooble