Saturday, February 27th, 2021

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Go,aan Kasoo saartay Doorashadii Madaxweyne Ee Dalkaas.

Published on December 12, 2020 by   ·   No Comments

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa gabi ahaanba diidday dacwad uu gobolka Texas u gudbiyay oo lagu rabay in lagu laalo codbixinti gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania and Wisconsin oo uu Biden uga guuleystay Trump.

Dacwadda gobolka Texas ayaa waxaa taageeray in ka badan 100 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, kuwaas oo rajo ka qabay in Maxkamadda Sare ay tuurto natiijada doorashadi madaxtinimada ee afar gobol oo ka tirsan Mareykanka oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Go’aan kooban oo kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay, in Texas uusan sharci u laheyn inuu dacwad ka keeno kiis ka dhan ah gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Kiiskan ayaa waxaa talaadadi Maxkamadda Sare u gudbiyay Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Texas oo ah Jamhuuri, isla markiiba waxaa taageeray kiiska xeer ilaaliyaasha 19 gobol oo ka mid gobollada Mareykanka iyo 129 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Congress ka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa waxaa qaadi ka ah 9 garsoore oo 6 ka mid ahi yihiin Jamhuuri. Saddex ka mid ah waxaa magacaabay Trump, midkoodna kama uusan hadlin dacwaddaan.

Go’aankan ayaa dhabar-jab ku ah rajadi uu madaxweynaha xilka kasii dhamanayo ka lahaa in maxkamadda sare ay ku diido natiijada doorshada uu ku guuleystay madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Maalinta Isniinta ah ayay kulmi doonaan xubnaha Ergooyinka leh codbixinta ugu danbeysa ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka, kuuwaasoo loo yaqaano Electoral College.

Tags: ,

Readers Comments (0)



WARARKA MAANTA

#DHACDO YAABLEH #HOOYO SOOMAALI AH & CARUURTEEDA OO NINKI QABAY UU KU SAMEEYAY ARRIN AY LA SUUXDAY (VIDEO)

February 21, 2021
#DHACDO YAABLEH #HOOYO SOOMAALI AH & CARUURTEEDA OO ...

AXMAD MADOOBE IYO DENI WAA MAXAY SHURURUUDAHA AY KU XIREEN KA QEYB GALKOODA SHIRKI DOWLAD GOABLEEDYADA IYO DOWLADA FEDARAALKA

February 20, 2021
AXMAD MADOOBE IYO DENI WAA MAXAY SHURURUUDAHA AY ...

Midowga Musharixiinta oo ku dhawaaqay in Farmaajo yahay dambiile Qaran ayna maxkamadaynayaan.

February 20, 2021
(Muqdisho)-Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay inay ...

DEG DEG: ABWAANAD ISMAHAN CARAWELO OO SHAACISAY NOOCA RAGGA AY JECESHAHAY IN AY NOLOSHA LA WADAAGTO

February 18, 2021
DEG DEG: ABWAANAD ISMAHAN CARAWELO OO SHAACISAY NOOCA ...

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarasha Jubbaland oo 52 Macalin oo OGADEN AH Shahaadooyin Siiyay

February 18, 2021
Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarasha Jubbaland oo 52 ...

DEG DEG: RASMI RAYS IYO QAALI LADAN OO BOOQDAY GABADHI SIDA XUN LOO DILAY VIDEO-GANA LAGA DUUBAY

February 18, 2021
DEG DEG: RASMI RAYS IYO QAALI LADAN OO ...

Ex US presidential candidate Bernie sanders sanders speaks

February 17, 2021
Ex US presidential candidate Bernie sanders sanders speaks